Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojin Kooban oo Qaza ka Hirgashay


Marinka Qaza waxaa maanta oo Sabti ah ka hirgashay xabbad joojin soconaysa 12 saacadood. Israel iyo Xamaas ayaa laduba oggolaaday xabbad-joojintan kooban si Qaza ay u gaaraan gar-gaarka bini'aadannimo.

Xabbad joojinta ayaa soconaysa 8 subaxnimo ee xilliga Qaza ilaa 8 habeennimo.

Ciidanka Israel ayaa sheegay in wali raadin doonaan oo ay burburin doonaan dhuumaha dhulka hoostooda ee maleeshiyada Xamaas u isticmaasho inay hub ku soo galiso Qaza.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdoou ay joojin doonaan xabbada 12 saacadood.

Xabbad joojin toddobo maalmood ah oo uu soo hindisay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry ayaan shaqeyn kaddib markii Israel ay diiday.

XS
SM
MD
LG