Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Socda Daanta Galbeed


Falastiiniyiin banaanbaxyo dhigaya iyo ciidamada Israel ayaa iska hor-imaad uu ku dhexmarayaa Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem, iyadoo dhanka kale uu weli dagaal ku dhexmarayo Marinka Gaza ciidamada Israel iyo maliishiyada dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in laba ruux oo Falastiini ah ay tuulada Hawara ee Daanta Galbeed maanta ugu geeriyoodeen dhaawacyo rasaas oo soo gaarey.

Qaabka toogashada ay u dhacdey ilaa iyo iminka lama yaqaano.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay dhulka Falastiiniyiinta iyagoo taageero u muujinaya shacabka Falastiin ee Marinka Gaza, isu soo baxaasi oo dadka khubarada ay ku tilmaameen inuu ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Daanta Galbeed muddo haatan laga joogo 10 sanno.

Bariga Jerusalem, dhowr ka mid ah Falastiiniyiinta banaanbaxyada dhigaya ayaa dhagxaan ku tuurey bar ciidamada Israel ay halkaasi ku leeyihiin.

XS
SM
MD
LG