Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Rakaab ah oo ku Burburtay Mali


Mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Air Algerie
Mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Air Algerie

Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Algerie ee dalka Algeria ayaa ku burburtay waqooyiga dalka Mali.

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay in burburkii diyaaradda Air Algerie laga helay waqooyi-galbeed ee dalka Mali, meel u dhaxeysa gobollada saxaraha ah ee Aguelhoc iyo Kidal.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 116 ayaa ka soo duushay dalka Burkina Faso, waxayna ku socotay caasimadda Algeris.

Ma jirto war deg-deg ah oo ku saabsan inay dad ka bad-baadeen shilkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee fadhigoodu yahay Galbeedka Africa ayaa ka qeyb-qaatay baadhitaan diyaaradaasi lagu baadigoobayay. Wasiirka arrimaha dibedda Faranaiis, Laurent Fabius ayaa weriyayaasha goor hore u sheegay in diyaaradaasi ay burburtay.

Wakaaladda wararka ee Algeria ayaa sheegtay in markii ugu danbeysay diyaaradaasi ay kor maraysay magaalada Goe ee waqooyiga Mali, kaddib marki ay ka soo kacday caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Diyaaradan waxay shirkadda Air Algerie ka soo kireysatay Shirkadda diyaaradaha Spanish-ka ee Swiftair.

XS
SM
MD
LG