Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaza: Dadaal loogu Jiro in Xabbada lagu Joojiyo


Wadahadalo ayaa xalay oo dhan socday si loo gaaro xabbad joojin dhexmarta Israel iyo Falastiiniyinta ku sugan marinka Gaza ee uu ururka Xamaas maamulo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry iyo XGQM Ban Ki-moon ayaa labaduba gobolka ku sugan.

Ninka wada xaajoodayaasha u qaabilsan Falastiiniyiinta Saa’ib Cureyqaat ayaa telefishanka CNN u sheegay inuu rajeynayo in xal dhakhso ah la gaaro. Hase yeeshee wasiirka caddaaladda ee Israel Zip Livni ayaa u sheegtay Radio Israel in aanay wax rajo ah arkaynin.

XS
SM
MD
LG