Isku xirrada

Wararka ka imanaya magaalada Jilib ayaa sheegaya in laba diyaaradood oo loo malaynayo inay yiin kuwa dawladda Kenya ay duqeeyeen laba saldhig oo ay leeyiiin al-Shabab oo u dhow magaalada Jilib.

Labadan diyaaradood ayaa la sheegay inay madaafiic ku rideen bar-kantrool oo dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Jilib iyo dhismaha mashruucii hore ee Faanoole.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay qoriga Zuuga ee lidka diyaaradaha ay ku rideen diyaaradahaasi.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqayntan.

Maleeshiyada al-Shabab ayaa la sheegay inay joojiyeen dhaqdhaqaaqaii baaburta dagalaka ee magaalada gaaf wareegayey.

XS
SM
MD
LG