Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Widodo oo ku Guuleystay Doorashadii Indonesia


Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtinimo dalka Indonesia ayaa muujinaya in badhasaabkii hore ee gobolka Jakarta Joko Widodo uu ka adkaaday musharraxa ay isla tartamayeen ee General Prabowo Subianto oo ciidamada ka tirsanaan jiray.

Natiijooyinka ayaa si weyn loo filayay inay guul siiyaan Widodo, oo isagu ahaan jiray ganacsade ka ganacsada alaabta guryaha. Joko Widodo ayaa helay 53% codadkii doorashadii dhacday 9kii bishan July.

Saacaddo ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijooyinka, ayaa General Prabowo Subianto wuxuu ku dhawaaqday inuu musharraxnimadiisii ka hadhay, isagoo sheegay in hannaanka doorashadu uu ahaa mid “ dhib badan oo aan dimoqraadi ahayn”

General Subianto ayaa ku eedeeyay ninka ay isla tartamayeen in codadka uu si baahsan u iibsaday, sidoo kale sameeyey is-dabamarin.

Generalka ayaa awood u leh inuu racfaan ka qaadan karo maxkamadda dastuuriga, in kastoo ay khubarradu sheegayaan inuu buun-buuniyay eedihiisa la xiriira wax-isbada marinta.

Dowladda Indonesia ayaa ciidamo boolis iyo militariba dhigtay meelaha qaarkood, si ay uga hortagto haddii ay dhacaan qalalaasi siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG