Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Xooggan oo ka Socda Garoonka Tripoli


Burning obstacles are seen along a road leading to the airport in Tripoli, Libya, April 7, 2014.
Burning obstacles are seen along a road leading to the airport in Tripoli, Libya, April 7, 2014.

Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley dagaal xooggan oo ka dhashey gacan ku haynta garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada, kadib markii ay burburtey xabbad joojin laba maalmood socotey oo la doonayay in xiisadahaasi lagu qaboojiyo.

Dagaalka u dhexeeya maliishiyaadka islaamiga ee ka soo jeeda magaalada Misrata iyo maliishiyada magaalada Zintan ayaa ku fidey goobaha ku hareereysan garoonka, waxaana lagu tilmaamayaa inuu yahay dagaalkii ugu xumaa ee waddanka ka dhaca tan iyo markii talada waddanka laga tuurey hoggaamiyihii hore Moammar Gadhafi sannadkii 2011.

Kumanaan qof ayaa ka cararey guryahooda, iyadoo labada kooxood ee dagaalameysa aty is weydaarsadeen hubka culus noocyadiisa kala duwan.

Qaramada Midoobay ayaa shaqaalaheeda kala baxdey Libya toddobaadkii hore sababo amni xumo la xiriira.

Duulimaadyada caalamiga ee ka duula ama ku soo dega garoonka diyaaradaha ee Tripoli ayaa joogsadey tan iyo Isniintii la soo dhaafey, waxaana khubarada arrimaha duulimaadyada ay sheegayaan in garoonka uu muddo dhowr bilood ah sii xirnaan doono sababo la xiriira burburka gaarey oo aad u xooggan awgii.

XS
SM
MD
LG