Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Aqbashey Xabbad Joojin


Mideast Israel Palestinians
Mideast Israel Palestinians

Israel ayaa aqbashey xabbad joojin ay la gasho maliishiyada Hamas ee ku sugan Marinka Gaza, waxaana xabbad joojintaa soo jeedisey Masar.

Golaha wasiirada ee Raiisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa codkooda ku taageeray tallaabadaasi kulan ay maanta yeesheen.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Hamas ayaa sheegay in kooxdooda ay soo dhoweynayaan tallaabadaasi. Laakiin garabka milatariga Hamas ayaa qorshahaasi diiday kuna tilmaamey inay ka dhigan tahay is dhiibid.

Talo soo jeedinta Masar ayaa dhigeysa in la dhaqangeliyo xabbad joojin ku meel gaar ah laga bilaabo maanta oo Talaado ah, waxaana taa xigi doonta in la furi isku gudubka xuduudaha Gaza, isla markaana muddo laba maalmood gudahood ay labada dhinac wadahadalo ku yeeshaan magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay qorshaha Masar, isagoo xusey in dagaal halkaasi ka sii socdaa aanu labada dhinac midkoodna faaido u lahayn.

XS
SM
MD
LG