Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boko Haram oo Sheegatey Qaraxii Lagos


Hoggaamiyaha ururka Boko Haram ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii bambaano ee dhowaan ka dhacay magaalada Lagos, kaas oo haddii la xaqiijiyo noqon doona weerarkii ugu horeeyey ee kooxdan ka geysato magaalada ugu weyn dhinaca ganacsiga ee dalka Nigeria.

Cajalad video ah oo la soo bandhigey maalintii Axadda, ayaa waxaa ka dhex muuqdey Abubakar Shekau oo ku faanaya inuu niagu direy ninka geystey weerarkaasi oo laba qarax ka geystey goob shidaalka lagu kaydiyo bishii June 25-keedii, halkaas oo laba qof ay ku dhinteen.

Dowladda ayaa sheegtay in qaraxyadan ay ka dhasheen madaxyada gaaska lagu kaydiyo. Shekau waxaa uu ku qosley warkaasi dowladda ay soo saartey, waxaana uu sheegay in hadii aad runt aka qariso shacabka, aadan ka qarin Karin Ilaahay.

Hoggaamiyaha Boko Haram ayaa sidoo kale sheegtay in ururkiisa uu ka dambeeyey weerar bambaano oo dhowaan ka dhacay Abuja oo ay ku dhinteen 24 qof. Waxaa kale oo uu sheegay in sii daynta gabdhaha tiradoodu ay kor u dhaaftey 200 boqol oo ay afduub u haystaan ay ku xiran tahay in la soo daayo maliishiyaad ururkiisa ka tirsan oo xabsiyada ku jira.

Dhanka kale Madaxweyne Goodluck Jonathana ayaa mar kale balan ku qaadey inuu badbaadin doono gabdhaha ardada ah ee weli gacanta ugu jira ururka Boko Haram.

XS
SM
MD
LG