Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Qaaday Koobka Adduunka 2014


Xulka qaranka Jarmalka ayaa ku guuleystay koobka adduunka ee sannadkan 2014, kaddib markii ciyaarkii kama dambeyska uu 1-0 uga badiyay xulka Argentine.

Labada kooxood ayaa 90-kii daqiiqo barbar dhac ku dhameystay, balse 30-kii daqiiqo ee dheeriga ahaa, ayaa ciyaaryahanka Jarmalka Mario Goetze, wuxuu helay xulkiisa u dhaliyay goolkii guusha.

Xulalka Argentine iyo Jarmalka ayaa ciyaartii kama dambeyska ee koobka adduunka isugu soo baxay, kaddib markii ay ka soo kala adkaadeen xulalka Netherlands iyo Brazil.

Guushan xulka Jarmalka, ayaa noqonaysaa markii 4aad ee uu xulkani ku guuleysto koobka Adduunka, iyadoo koobkii u danbeeyey uu ku guuleystay 1990. Argentine iyadu waxay koobka adduuka ku guuleysatay laba jeer, waxaana ugu danbeysay 1986-kii.

Koobka adduunka waxaa sannadkan lagu qabtay dalka Brazil, waxaana ka soo qeybgalay 32 dal.

Ciyaaraha koobkan adduunka oo la bilaabay 1930-kii ayaa waxaa la qabtay 20 jeer, waxaana 5 jeer ku guuleystay dalka Brazil, halka Talyaaniguna uu helay 4 jeer.

Warbixin arrintaas ku saabsan oo uu diyaariyay wariyaha VOAda ee Ciyaaraha Maxamuud Mascadde, ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:08 0:00

XS
SM
MD
LG