Isku xirrada

Jaamacadda SIU oo Maydad Kenya ka Qaadanaysa


Arday jaamacadeed

Arday jaamacadeed

Jaamacad ku taalla Muqdisho oo lagu magacaabo Somali International University ayaa Jaamacadda Kenyatta ka soo qaadanaysa maydad ay ugu talagashay in ardaygu ay ku bartaan qaliinadda iyo qaab dhismeedka jirka bini'aadamka.

Hormuudka jaamacadda SIU, Dr. Cismaan Maxamuud Barre "Feytaan" ayaa VOA u sheegay in jaamacadda Kenyatta ay ugu deeqday 5 mayd (4 rag ah iyo 2 dhedig ah), kuwaasoo dhawaan ay geyn doonaan magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG