Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiin: 120 Qof ayaa ku dhintay Gaza


​Israel ayaa maantii 5aad wada duqeynta ay diyaaradaheedu ku hayaan Marinka Gaza. Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in tirada guud ee dadka dhintay ay gaarayso 120 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.
In kabadan 100 ayaa lagu dilay tan iyo markii Israel ay bilowday howlgalka ay ku beegsanayso Gaza.
Laakiin saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayso 120 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.
Xamas iyo kooxaha kale ee Marinka Gaza ayaa Israel ku ganay in kabadan 700 oo gantaal, balse ilaa hadda qof Israeli ah waxba ma noqon, waxaana taasi ugu wacan habka difaaca gantaallada Israel "Iron Dome" oo ka hortagay gantaalladaasi. Habkan waxaa qeyb ahaan maalgaliya Maraykanka.
Israel waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay 1000 meellood oo ku yaalla Gaza, kuwo baddana ay qorsheynayso inay duqeyso.
Falastiiniyiintu waxay sheegeen in masaajid la duqeeeyay oo uu burburay, Israel waxay sheegtay in masaajidka hub lagu qarainayay.
Guddiga xuquuqda aadanaha ee QM ayaa shaki galiyay in in howlgalka Israel uu yahay mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah ee mamnuucaya in la beegsado dadka rayidka ah.
Xukuumadda Washingtona ayaa iyadu jimcihii sheegtay in damacsan tahay inay saaxiibadeeda Bariga Dhexe weydiiso sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in mushkiladda la soo afjaro.
RW Israel Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegay in cid dibedda ka socota aysan Israel ku cadaadin karin inay joojiso ddagaalka ay kula jirto argagixisada, kuaasoo iyagu ku baaqaya burburta dowladda Yuhuuda.

XS
SM
MD
LG