Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: Tacaddiyo Ayaa ka Dhacay Ukraine


Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay hayso caddeymo sugan oo ku saabsan jirdil iyo tacaddiyo ka dhacay Bariga Ukraine. Waxaa hay’addu ay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ee taabacsan Russia ay mas’uul ka yihiin inta badan rabshadaha iyo falalkaasi tacaddiyada ah.

Warbixin hay’addu ay soo saartey maalintii Khamiista ayay ku sheegtay in dhibaneyaasha inta badan la garaaco. Waxay hay’addu sheegtay inay hayso caddeymo muujinaya falal kooban oo tacaddiyo ay geysteen taageerayaasha xukuumadda Kiev.

Warbixintu waxay sheegtay in Guddiga Qaramada Midopbay ugu qaabilsan Xuquuqda aadanaha ee Ukraine uu diiwaan geliyey 222 oo falal afduub ah tan iyo bishii April, markii kooxaha gooni u goosadka ee doonaya in gobolada bariga ay madaxbanaani helaan ay bilaabeen kacdoonka ka dhanka ah dowladda Ukraine,

XS
SM
MD
LG