Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Dhexdhexaadinaysa Israel iyo Falastin


Madaxweyne Barack Obama ayaa u sheegey Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo isla markaana la soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Falastiiniyiinta, dibna loo soo celiyo xabbad jooojintii dhaqangashey sannadkii 2012-ka.

Madaxweynaha ayaa khadka telefonka kula xiriirey Mr Netanyahu maalintii shaley oo ahayd maalin dhiig badan uu ku daatey Bariga Dhexe.

Aqalka Cad war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Obama uu u xaqiijiyey Israel xaqa ay u leedahay inay iska difaacdo weerarada gantaallo ee lala beegsanayo ee ka imanaya dhanka ururka Xamaas.

Laakiin waxaa uu intaa ku darey inuu ka walaacsan yahay in rabshadaha socda ay sii fidaan, isagoo labada dhinac ugu baaqey inay sameeyaan wax kasta oo lagu badbaadinayo nolosha shacabka.

XS
SM
MD
LG