Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine: Ma jiro Wadahadal ku Saabsan Xabbad Joojin


Ukrainian troops move out from the city of Slovyansk, Donetsk Region, eastern Ukraine, July 7, 2014.
Ukrainian troops move out from the city of Slovyansk, Donetsk Region, eastern Ukraine, July 7, 2014.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inaaney jiri doonin wadahadalo la xiriira xabbad joojin oo lala galayo xoogagga gooni u goosadka ee taageersan Russia kuna sugan bariga waddanka, ilamaa ay falaagadu ay gebi ahaanba iska dhigaan hubka.

War uu soo saarey Wasiirka Gaashaandhigga Valery Heletey ayaa lagu xusey kalsoonida sii kordheysa ee xukuumadda Kiev taas oo ka dhalatey guulaha ay ka soo hoyneyso goobaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha gooni u goosadka, kacdoonka saddexda bilood socdey ee ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof.

Maliishiyada gooni u goosadka aya maalintii Isniinta dhufeyso ka sameystey magaalada Donetsk, isla markaan jidgooyo dhigey waddada weyn markii ay ka soo baxayeen magaalada Slovyansk, oo ay ciidamada Ukraine qabsadeeen maalintii Sabtida.
Iyadoo ciidamada Ukraine ay dhanka koonfureed uga siqayaan magaalada Slovyansk, kuna sii jeeda Donetsk, ayaa waxaa qaraxyo lagu burburiyey saddex buundo oo magaalooyinkaasi isku xira.

XS
SM
MD
LG