Isku xirrada

Argentine iyo Netherlands oo u soo Baxay Semifinal


Xulalka Qaranka Argentine iyo Netherlands ayaa u soo baxay heerka semifinal-ka ee is araga afarta kooxood ee ciyaaraha koobka adduunka ee ka socda Brazil.

Ciyaaro dhacay maanta oo Khamiis ah 5-ta July, Xulka Argentine ayaa 1-0 uga adkaaday xulka qaranka Belgium, halka Netherlands ay rigoorayaal uga badisay xulka Costa Rica.

Xulalka Brazil iyo Germany ayaa horey ugu soo baxay semifinalka.

Ciyaaraha semifinal-ka, xulka Argentine wuxuu la ciyaari doonaa xulka Netherlands, sidoo kale xulka Brazil ayaa la ciyaari doona xulka Germany, waxaana labada kooxood ee ciyaarahaasi ku soo badiyaa ay u soo bixi doonaan ciyaarta final-ka.

XS
SM
MD
LG