Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay meel u dhow Baarlamaanka


Golaha Shacabka
Golaha Shacabka

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay kaddib markii qarax baabuur uu ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay meel u dhow albaadka aqalka baarlamaanka, kaddib markii ilaaladu ay rasaas ku furtay baabuurkaasi.

Booliska ayaa sheegay in ciidamada ilaalinayay baarlamaanku ay ka horistaageen baabuurkaasi inuu gaaro bartilmaameedkiisii.

Cabdirashid Xaji Derow, oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in xildhibaannadu ay shir halkaasi ku lahaayeen wakhtiga uu weerarku dhacay, wuxuuna sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray xildhibaannada.

Daawo Weerarkii Aqalka Baarlamaanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:31 0:00

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay qaraxan iyagu ka danbeeyeen.

Maalintii Khamiista, ururka al-Shabaab ayaa dil u geystay mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo ilaaladiisii.

Weerarkan maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka ayaa ah kii labaad. Bishii May, ururka al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta baarlamaanka waxaana weerarkaasi ku dhintay 18 qof, oo isugu jiray ciidanka dowladda iyo kuwii weerarka fuliyay.

XS
SM
MD
LG