Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo u Gudubtay Semifinal-ka


Xulka dalka Germany ayaa u soo gudbay heerka semifinal-ka ee ciyaaraha koobka adduunka ee ka socda Brazil, kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen xulka qaranka Faransiiska.

Goolka guusha waxaa xulka Germany u dhaliyay ciyaaryahanka Mats Hummels.

Guuldarrada France ayaa ka dhigan inay halkaasi ku dhammaatay riyadoodii ahayd inay hantaan koobka adduunka Brazil ee 2014.

Xulka Germany ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee u soo baxa heerka Semifinal-ka oo ay ku tartami doonaan afar kooxood.

Maanta waxaa iyaguna wada ciyaari doono xulalka Brazil iyo Colombia.

XS
SM
MD
LG