Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiiniyiin iyo Booliska Israel oo Iska Hor Yimid


Booliska Israeli iyo shacab reer Falastiin ah oo banaanbaxyo dhigaya ayaa isaga hor yimid bariga magaalada Jerusalem, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen si ay ugu baroor diiqaan wiil Falastiini ah oo lagu diley weerar loo maleynayo inuu ahaa aargoosi, kaas oo sabbabay banaanbaxyo carro ku dheehan oo malaintii labaad socda.

Booliska Israeli ayaa adkeeyey amniga iyagoo filaya inay dhacan banaanbaxyo hor leh kadib markii la aasey Mohammed Abu Khudair.

Asxaab iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa wiilkan yar ku aasey qabuuro ku yaalla xaafadda ay Carabta deggan yihiin ee Shuafat.

Meydka Khudair waxaa laga heley keyn ku taalla Jerusalem maalintii Arbacada, saacad kadib markii si qasab ah gaari ku saareen rag afduubay oo ana weli haybtooda la garan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan in dilkan uu ahaa aargoosi la xiriira afduub iyo dil loo geystey saddex wiil o Israaiiliyiin ah.

XS
SM
MD
LG