Isku xirrada

Putin oo Dhambaal u Direy Madaxweyne Obama


Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa dhambaal ku aaddan munaasabadda xornimada Mareykanka oo uu u direy Madaxweyne Barack Obama, waxaa uu ku baaqey in la wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya Russia iyo Mareykanka.

Mr. Putin waxa auu dhambaalkiisa ku xusey in xiriirka haatan murugsan ee labada dal u dhexeeya uu horseedi doono inu dhismo xiriir dhab ah oo ku saleysan sinnaan, walow ay labada uu ka dhexeeyo kala fikir duwanaansho.

Madaxweynaha Russia waxaa uu sheegay in labada dal uu saran yahay waajibaad gaar ah oo la xiriira ilaalinta xasiloonida caalamiga iyo amniga, sidaa darteedna loo baahan yahay inuu jiro iskaashi loogu daneynayo dunida oo dhan.

Xiriirka u dhexeeya Washington iyo Moscow ayaa ahaa heerkiisii ugu hooseeyey gaarey tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qabooba, kadib markii Russia ay gacanka Crimea oo Ukraine ka tirsan ay ku darsatey dhulkeeda horaantii sannadkan.

XS
SM
MD
LG