Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdiyiinta Iraq oo Madaxbanaani Dalbanaya


FILE - Kurdish Regional Government President Massoud Barzani conducts an interview in Irbil, Iraq.
FILE - Kurdish Regional Government President Massoud Barzani conducts an interview in Irbil, Iraq.

Madaxweynaha ismaamulka gobolka Kurdiyiinta ee Iraq ayaa ka dalbadey baarlamankiisa inay soo diyaariyaan afti laga qaado shacabka oo lagu weydiisanayo inay u codeeyaan madaxbanaani buuxda.

Massoud Barzani ayaa mudaneyaasha baarlamanka u sheegay in la gaarey waqtigii la go’aamin lahaa in gobolka uu madaxbanaani helo, isla markaana aan cid kale laga sugin inay Kurdiyiinta u go’aamiyaan mustaqbalkooda.

Mr. Barzani waxaa uu ka dalbadey baarlamanka inuu soo dhiso guddi soo diyaariya aftida, isla markaana ku dhawaaqa taarikhda la qabanayo.

Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa maalin kadib markii baarlamanka cusub ee Iraq uu qabtey fadhigiisii ugu horeeyey oo ku dhamaadey iyadoo aan la soo magacaabin raiisul wasaare cusub.

Raiisul Wasaaraha Iraq, Nouri al-Maliki ayaa waxaa hareeyey dalabyo sii kordhaya oo lagu doonayo inuu is casilo, isla markaana uu baarlamanka u daayo inay soo xushaan raiisul wasaare cusub.

XS
SM
MD
LG