Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Maraykanka ee Jooga Somalia


Miltariga dalkan Mareykanka ayaa qiray inay ciidamo ka joogaan Somalia, kuwaa oo gacan siinaya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Amisom dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Afhayeen u hadlay Xarunta dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa u sheegay VOAda Khamiistii shalay in tiro xadidan oo isugu jira taba barayaal, la taliyeyaal iyo ciidamo ay Maretkanka ka joogaan Somalia.

Sarkaalkan u hadlay milatariga Mareykanka, Benjamin Benson ayaa sheegay in tirade guud ee askarta Mareykanka ka joogta Somalia ay tahay mid kooban, wuxuuna sheegay inay koox koox uga howlgaleen meelo kala duwan oo Somalia ah.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan maamulka Obama ay tabisay in ilaa iyo 120 askari oo Mareykanka ah ay ka howlgalaan Somalia.

Warbixintu waxey sheegtay in ciidamadan Mareykanka ay Somalia ka howlgalayeen tan iyo sanadii 2007dii.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:34 0:00

XS
SM
MD
LG