Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Weerar Argagixiso oo laga Digay


Sawir hore: Booliska Uganda
Sawir hore: Booliska Uganda

Safaaradda Maraykanka ee Uganda ayaa ka digtay weerar argagxiso oo ay suurtagal tahay in lala beegsado garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda.

War qoraal ah oo ay safaaradda Maraykanku ku faafisay Boggeeda Internetka ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabo in koox aan la magaacbin oo argagixiso ah ay qorshaynayaan in maanta oo ay bishu tahay 3da July weerar fuliyaan inta u dhaxaysa 9ka iyo 11ka habeenimo.

Safaaradda ayaa sheegtay in digniintan ay ka heleen booliska Uganda.

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Saraakiisha dawldda Maraykanka ay sheegeen in Maraykanku uu sare u qaadi doono ilaalada qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaal caalamka , iyada oo laga cabsi qabo weeraro ay shabakada al qaacida qorshaynayso.

Saraakiisha Maraykana ayaa tilmaamay inay ka shiki qabaan in al qacaaida farsamaynayso bambooyin cusub oo lala soo raacyo diyaaradaha.

Madaxa Ammaanka Qaranka Maraykanka Jeh Johnson ayaa sheegay inay isha ku hayn doonaan qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha ee caalamka ee ay ka soo baxaan duulimaadyo toos u imanaya dalkan Maraykanka.

Hase ahaate waxa uu ka gaabsday inuu faahfahin ka bixiyo garoomadaasi iyo dalalka ay ku yaallan iyo sidoo kale nooca macluumaadka ay hayaan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ka soo xigatay saraakil marykan ah in laga cabsi qabo in al qaacida ay farsmaysan babmooyin cusub

Sidoo kale wakaaladda AFP ayaa sheegtay in garoomada laga shik qabo ay yihiin kuwa ku yaalla Bariga dhexe iyo Yurub.

Waraysi arrintaasi ku saabsan oo ay VOAdu la yeelatay Madaxa Guddiga difaacayaasha xuquuqda aadamaha ee Bariga Afrika oo xaruuntisu tahay Kampala, Mr Xasan Shire ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:55 0:00

XS
SM
MD
LG