Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadalka Nukliyeerka Iran oo Bilaabmaya


Wasiirka arrimaha dibadda Iraan,Mohammad Javad Zarif
Wasiirka arrimaha dibadda Iraan,Mohammad Javad Zarif

Magaalada Vienna ee dalka Austria waxaa ku sii qulqulaya madaxda wadamada lixda ah ee ugu awoodda badan caalamka iyo Iraan. Waxaana magaaladaasi ka bilaabmi doona wadahadaldii Nukliyeerka ee Iraan.

Dawladda Iraan ayaa sheegtay inay soo bandhigi doonto caddaymo dhab ah muujinaya inay tallaabooyin qaadi doonto si ay u xaqiijisao in barnaamijkeedu uu yahay mid nabadgaliyo ku salaysan.

Iraan ayaa dhinaca kale sheegtay inaanay cidna isku dhiibi doonin amma aanay baryi doonin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif ayaa dhmabaal muuqaal ah oo uu iska soo duubay isla markaana uu soo dhigay barta Youtube ee dhinaca Internetka ayaa ugu baaqay dalalka ka qaybgalaya wada hadalka Nukliyeerka ee Iraan inay muujiyaan is xaqdhwor iyo ixtraam iskana ilaaliyaan hadalada abuuri kara fashil ku yimaadda wadahadalka.

XS
SM
MD
LG