Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Ukraine oo Weerar Buuxa Qaaday


Ra'iisul-wasaaraha Ukraine Oleksandr Turchnyov ayaa sheegay in ciidanka Ukraine ay qaadeen howlgallo militari oo ka dhanka ah kooxaha gooni u goosadka ee taageersan Ruushka, saacaddo kaddib markii uu dhammaaday heshiiskii xabad-joojinta.

Mr. Turchnyov ayaa hadalkan ka sheegay maanta oo Salaasa ah baarlamaanka Ukraine, kaddib markii madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko uu ku dhawaaqay inuusan cusboonaysiin doono heshiiskii xabad-joojinta, isagoo wacad ku maray weerarro cusub oo lagu qaado mucaaradka gooni u goosadka ah ee ku sugan bariga Ukraine.

Madaxweyne Poroshenko ayaa sheegay in go'aankiisu uu yahay mid looga jawaabayo kooxaha argagixisada, jabhadaha, iyo kuwa wax bililiqeysta, wuxuuna sheegay in dhammaan kooxahani ay curyaaminayaan dhaqaalaha gobolka.

Wasaaradda difaaca Ukraine ayaa sheegtay in ciidanku ay qaadeen weerar cir iyo dhul ah oo ay la beegsanayaan xarumaha iyo fadhiisimada kooxaha falaagada ee bariga dalkaasi.

XS
SM
MD
LG