Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Ciraaq oo lagu Kala Kacay


Baarlamaanka Ciraaq ayaa maanta yeeshay fadhigiisii ugu horeeyay, kaas oo la soo gabagabeeyay iyada oo aan hoggaan cusub la soo dooran.

Fadhigan oo ahaa kii iigu horeeyay ee Baarlamaanka cusub ee Ciraaq oo la soo doortay bishii April uu yeesho.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ee Baarlamanka Ciraaq Mahdi al Xaafid ayaa fadhiga soo xiray, ka dib markii ay soo laaban waayeen xildhibaano badan markii uu dhamaaday fasax kooban oo nasasho ah oo mudanayaasha la siiyay.

Guddoomiyaha oo ah mudanaha ugu da’da weyn xildhibaanada Ciraaq ayaa sheegay in fadhi kale la isugu iman doono maalinta Talaadada ee soo socota.

Ra’isal wasaare Nuuri al Maaliki ayaa lagu wadaa in uu markale noqdo Ra’isal wasaaraha Ciraaq, hase ahaate waxaa arrintaan saamayn weyn ku yeeshay guusha ay Jabhadda mayalka adage e Sunniyiinta ah ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan xukuumadda Ciraaq.

Madaxda reer galbeedka ayaa mudanayaasha baarlamaanka Ciraaq kula taliyay inay soo doortaan xukuumad wadaag ah oo ka hortagta kala qaybsanaanta dhinaca madaa-hibta ee dadweynaha reer Ciraaq.

XS
SM
MD
LG