Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan oo Weerartey Saldhigyada Taliban


Waqooyiga Waziristan
Waqooyiga Waziristan

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay inay bilaabeen weerar dhinaca dhulka ah oo ay ku qaadeen goobaha ay ku xooggan yihiin ururka Taliban ee ku dhow xadka Afghanistan, kadib markii ku dhowaad nus milyan dad rayid ah laga daadgureeyey degaannadaasi iyo weliba weeraro dhinaca cirka ah oo laba toddobaad halkaa ka socdey.

Maalintii Isniinta, ciidamada ayaa sheegay inay magaalada Miran Shah ka bilaabeen baaritaan guri ka guri ah, halkaas oo ah saldhigga ugu weyn ururka ay ku leeyihiin gobolka Waqooyiga Waziristan, isla markaana ay maliishiyaadkooda isaga gooshaan Pakistan iyo Afghanistan.

Milateriga ayaa sheegey ilaa 15 maliishiyaad ah lagu diley weerarkii ugu horeeyey ee dhinaca dhulka ee degaankaasi laga fuliyey.

Tan iyo markii weerarada cirka ay bilowdeen bishii June 15-keeda, waxay ciidamada milatariga sheegeen inay dileen in ka badan 330 ruux o looga shakisan yahay inay yihiin argagixiso.

Hase yeeshee, tallaabada ciidamada ayaa waxay dad gaaraya nus malyuun oo u badan haween iyo carruur ku qasabtey, inay goobahaasi isaga cararaan.

XS
SM
MD
LG