Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Nigeria


Masuuliyiinta woqooyiga bari ee dalka Nigeri ayaa sheegaya in qarax ka dhacay hoteel yar ay ku dhinteen 10 qof 14 kalana ay ku dhaawacmeen.

Ma jirin cid markiiba sheegatay masuuliyadda qaraxa dhacay gallinkii dambe ee Jimcaha kaasoo ka dhacay agagaarrada caasimadda Bauchi.

Wakaaladda wararka ee Fransiiska ayaa sheegeysa in dhismaha uu ahaa “mid si wayn loogu yaqaano tumashada," taasoo ka dhigeysa inay u egtahay in uu bar tilmaameed u noqdo fallaagada islaamiyiinta ah ee Boko Xaram kuwaasoo mar kasta rabshadoodu ay ku wajahan tahay goobaha ay u maleynayaan inay yihiin kukwa xun xun, oo ay ku jiraan baararka, kaniisadaha, iyo iskuulada laga dhigo manhajka reer galbeedka.

Fallaagada ayaa dareen xad-dhaaf ah ka helay beesha caalamka bilihii la soo dhaafay taasoo ka dambeysay afduubkii ay kooxdu ku sameysay in ka badan 200 oo gabdho iskuuleey ah oo ku sugnaa iskuul ku yaalla magaalada Chibok.

Afduubkaas baaxadda leh ayaa waxaa cambaareeyay dowlado iyo dad caan ah oo ka soo kala jeeda guud ahaan caalamka waxaana ay sidoo kale dhalisay in kaalmo milatari ay ku deeqaaan quwadaha caalmaka si loo kordhiyo dagaalka lagaga hortagayo fallaagada ku sugan waddanka Nigeria.

XS
SM
MD
LG