Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Heshiis la Saxiixatey Midowga Yurub


Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa magaalada Brussels ku saxiixey heshiis muhiim ah oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha la xiriira oo waddankiisu la galey Midowga Yurub, waxaana uu sheegay inuu goor dambe go’aan ka gaari doono inuu kordhiyo muddada xabbadjoojinta uu ku dhawaaqey toddobaadkii hore ee hawlgalada milateri ee ka dhanka ah xoogagga gooni u goosadka ee Russia taabacsan.

Mr. Poroshenko waxaa uu sheegay in Ukraine ay wax walba u hurtey inay heshiis ganacsiga xorta ah la saxiixato EU, isagoo ku tilmaamey heshiiskan inuu yahay mid taariikhi ah.

Russia ayaa dhaleeceysey saxiixa heshiiskan. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in khilaafka ka dhashey heshiiskan uu yahay kan sababey in xukunka laga tuuro madaxweynihii Russia taabacsanaa Viktor Yanukovych, horaantii sannadkan uu ku qasabey shacabka reer Ukraine inay sameeyaan xulasho macmal ah oo ay kala dooranayaan daacad inay u noqdaan Europe ama Russia.

Mr. Putin waxaa uu ku baaqey xabbad joojin muddo dheer oo ka dhaqangasha Ukraine, taas oo uu sheegay inay tahay shuruudda keliya ee suuragelin karta wadahadalo dhexmara mas’uuliyiinta Ukraine iyo xoggaga gooni u goosadka ee Russia taabacsan.

XS
SM
MD
LG