Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Muranka Heshiiska Maamulada K/Galbeed


Baydhabo
Baydhabo

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku saabsanyahay heshiiska dhexeeya labada maamul gobleed ee iska soo horjeeda ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Labadan maamul ayaa oo ku doodadaya inuu midna matalo 6 gobol oo ku yaala koofurta Soomaaliya, iyo mid kale oo isna sheegta inuu matalo saddex gobol. Xarumaha labadaasi maamul ayaa waxa ay ku yaalaan magaalada Baydhabo oo xilli isku dhow lagaga dhawaaqay.

Heshiiskaasi oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in labada dhinac ay qaataan maamul ka kooban saddex gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Bay, iyo Bakool.

Hase ahaatee qaar ka mid ah maamulka sare ee Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu ku jiro madaxweynaha maamulkaasi aaminsan 6-da gobol Madoobe Nuunow Maxamed ayaa arrintaasi ka biyo diiday.

Haddaba barnaamijkeena faaqidaadda toddobaadka waxaanu ku falanqeyneynaa heshiiskaasi iyo mowqifka labada dhinac waxa uu ku saleysan yahay. Waxaana ka qayb gala C/laahi maxamed Iddiri (Lesta) oo ah wasiirka gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, Iyo Ugaas Xasan oo ah afhayeenka maamulka 3-da gobo loo labadaba jooga magaalada Baydhabo iyo C/rashid Khaliif Xaashi oo ah guddoomiye ku xigeenka Mac-hadka Heritage ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:39:55 0:00

XS
SM
MD
LG