Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda EU oo ku Kulansan Brussels


Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ku sugan magaalada Brussels halkaas oo ay ku leeyihiin shir madaxeed laba maalmood soconaya, kaas oo la filayo inay ku soo doortaan madaxa cusub ee Guddiga Yurub oo ah laanta fulinta ee Midowga Yurub.

Raiisul Wasaarihii hore ee Luxembourg, Jean-Claude Juncker, ayaa si weyn loo filaya in xilkaasi loo magacaabo.

Laakiin Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa ka soo horjeeda in Mr. Juncker uu xilkaasi qabto, isagoo sheegay inaanu ahayn shakhsiga ku habboon ee ururka horey u sii dhaqaajin kara. Walow ay dalal kooban ku taageersan yihiin mowqifkiisa, Mr. Cameron waxaa uu sheegay in Mr. Juncker uusan ahayn nin ay ku jirto rabitaan iyo khibraddii lagu dhaqangelin lahaa isbeddelada ururku u baahan yahay.

Diidmada Mr. Cameron waxay sii xoojineysaa cabsida laga qabo in Britain oo weli adeegsata sarrifkeeda Pound-ka halkii ay ka isticmaali lahayd Euro ay ugu dambeyn go’aansan doonto inay gebi ahaanba isaga baxdo Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG