Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariyeyaal Lagu Xukumay Somaliland


Maxkamadda Gobolka Hargeisa ayaa xukun xarig ah ku riday maanta oo Arbaca ah guddoomiyihii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihii wargeyska Axmed Cali Cige.

Yuusuf Cabdi Gaboobe ayey maxkamaddu ku xunkuntay sadex sanadood oo xarig ah, halka Axmed Cali Cige ay ku xukuntay afar sanadood oo xarig ah.

Dacwad qaadistan oo loo diiday saxaafadda ayaa markii dambe ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee somaliland Adam Salaad Seed ayaa u sheegay warbaahinta in maxkamadda ay laashay gebi ahaan ruyqsadii uu ku shaqeynayay wargeyska Haatuf.

Xukunkani ayaa waxaa cambaareeyey ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja iyo axsaabta mucaaridka ah.

Booliska Somaliland ayaa 7dii bishii April ee sanadkan la wareegay xarunta wargeysyadan, iyagoo markii dambe xabsiga u taxaabay labadan wariye.

Waxaana lagu eedeeyay wargeysyadan inay qoreen warar been abuur ah iyo warar khalkhal gelin karay amaanka Somaliland .

Xukunkani ayaa waxaa cambaareeyey Ururka Ssuxufiyiinta Somaliland ee (Solja) iyo axsaabta mucaaridka ah.

Hay’adaha u dooda xuquuqda wariyeyaasha ayaa ku tilmaamay xukunkan mid aan cadaaladda loo marin mar hadii qareenadii difaacayay wariyeyaasha ay horey isaga baxeen dacwadda iyagoo ku tilmaamay in cadaalad ay difaaci karaan aysan meesha ka jirin.

XS
SM
MD
LG