Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamada Massar oo xukuntey saddex Wariye oo Aljazeera ka tirsan


Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa xabsi ku xukuntey saddex weriye oo ka tirsan Televishanka Al Jazeera ee dalka Qadar. Maxkamadda ayaa sheegtay in saddexdan weriye lagu heley inay faafinayeen warar been abuur ah, isla markaan ay taageerayeen ururka haatan Masar laga xaaraantimeeyey ee Ikhwanul Muslimiin. Peter Greste iyo Mohammed Fahmy ayaa lagu xukumey min toddoba sanno, halka weriyaha 3aad oo magaciisa la yiraahdo Baher Mohamed lagu xukumey 10 sanno,markii lagu heley hub, sida ay maxkamaddu sheegtey.
Maamulka Al Jazeera ayaa dhaleeceeyey xukunkaasi kuna tilmaamey mid ka dhan ah cadaaladda, laguna caburinayo saxaafadda.

Ibrahim Hassan Dandurey ayaa khadka telefonka ee magaalada Qaahira kula xiriirey weriyaha VOA Hussein Sahnuni. Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey sida uu xukunkaasi u dhacay.
XS
SM
MD
LG