Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan Carruur oo ah oo Soo Galay Xadka Maraykanka


In ka badan 50 kun oo caruur ah oo aanay dad waawayn la socon ayaa todobaaadyadii u dambeeyay si sharci darro ah uga soo gudbay xadka Maraykanka iyo Mexico.

Caruurtan ayaa intooda badan ka yimid laatiin America, arrintan ayaa aad walaac ugu abuurtay ciidanka ilaalada xuduuda ee Maraykanka iyo mas’uulyiinta gobolka xadka ku yaalla ee Texas oo ku dadaalaya inay hoy ku meel gaar ah u helaan.

Boqolaal caruur ah oo an sidan waraaqo aqoonsi ah ayaa lagu hayaa xaruumaha dib u dejinta iyo xaruumo gaar ah oo laga furay gobolka Arizona .

Sida caadiga ah dadka u dhashay Mexico ee la qabto si deg deg ah ayaa loo celiya, kuwa ka yimaadda dalalka kalena waxaa la mariya maxkamd oo dacwodaooda eegta.

Hase ahaate sida sharcigu dhigayo caruurta yaryar ee xadka ka soo gudba lama celin karo, waxaana arrintooda loo wareejiya xafiiska dib u dejinta qaxootiga amma waxaa loo geeyaa hadii ay qaraabo ku leeyihiin Maraykanka.

Khubarada ayaa sheegay in saboolnimada iyo dhaqaala xumado ay sabab u tahay in waalidiintu ay caruurtooda u soo diraan safarka tahriibta ah si ay sharci daro ugu soo galaan Maraykanka.
XS
SM
MD
LG