Isku xirrada

War Deg-Deg ah

U.S. oo Muwadininteda uga Digtay Safarka Kenya


Secretary of State John Kerry
Secretary of State John Kerry
Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa mar kale uga digtey muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya, iyadoo tixraaceysa weerarkii dhawaan ka dhacay magaalda Mpeketoni ee Jasiirada Lamu.

Dowladda Mareykanka waxa ay uga digtey muwaadiniinteeda in ay tagaan dhamaanba xeebaha dalka Kenya, gaar ahaana Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.

Isbedeladii xaga amaanka ee dhawaan ka dhacay Kenya, ayaa waxa ay wasaaradu sheegtey in qaar ka mida shaqaaleheeda ay usoo rareyso wadamo kale, balse waxa ay xustey in ay safaaradeedu sii wadi doonto shaqadeedii caadiga aheyd.

Wasaaradu waxa ay xustey in dowlada Mareykanka ay wali heleyso xogo culus oo ku saabsan weerarro argagaixso oo lala eegto danaha Mareykanka iyo reer galbeedka ee Kenya, oo ay ku jirto magaalada Nairobi iyo hareereheeda. Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka waxa ay ka digeysaa weeraro is miidaamin ah, qaraxyo, afduub, iyo weeraro loo geysto duulimaadyada rayidka iyo maraakiibta badaha Kenya iyo xeebaha ku hareereysan.
XS
SM
MD
LG