Isku xirrada

Dad Daawanayay Cayaaraha Adduunka oo La Qarxiyay

  • Mohamed Olad

Qarax bambaano oo ka dhacay goob ay tageerayaasha kubadda cagta ee dalka Nageria ku daawanayeen cayaaraha adduunka ee ka socda dalka Brazil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof.

Goobjoogayaasha iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof oo kale lagu dhaawacay qaraxa, oo ka dhacay Talaadadii shalay magaalada Waqooyiga Bari ee dalkaasi dhacda ee Damaturu.

Tobaneeyo qof oo isugu soo ururay goob banaan ah oo shaashado waaweyn lagu xiray oo lagu daawanayay cayaartii shalay dhex mareysay dalalka Brazil iyo Mexico, ayaa sida goobjoogayaashu ay sheegeen waxaa ka qarxay bam u muuqday in lagu soo dhex qariyay mooto sadex lugooley, wax yar ka dib markii ay cayaarta bilaabatay.

Durbadiiba cid sheegatay weerarka ma jirin.

Damaturu waa caasimadda gobolka Yobe, oo ka mid ah sadex gobo loo waqooyiga dalkaasi ku yaala oo xaalad deg deg ah ku jiray, ka dib markii ay qaraxyo isdaba joog ah oo lala xiriiriyay kooxda mintidka ah ee Boko Xaram ay ka dhaceen.
XS
SM
MD
LG