Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mr Ban oo Ugu Baaqey Madaxda Ciraaq Inay Wadahadal Furaan


Ban Ki-moon
Ban Ki-moon
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku booriyey Raiisul Wasaaraha Ciraaq Nouri al-Maliki inuu furo wadahadalo, isla markaana uu sameeyo qaab qeybaha kala duwan oo dhan looga qeybgelinayo siyaasadda dalka, uyadoo ay sare u kacayan dagaalka ay wadaan maliishiyada Muslimiinta Sunniga oo gacanta ku dhigey dhowr magaalo oo Ciraaq ka tirsan.

Mr. Ban waxaa uu saxaafadda kula hadley magaalada Geneva, xilli maliishiyada Sunniga ee xiriirka la leh Al Qaacida ay ku hanjabayan inay weerari doonaan caasimadda Ciraaq ee Baghdad.

Mareykanka ayaa meesha ka saarey inuu ciidan dagaalama u diro Ciraaq, laakiin Madaxweyne Barack Obama waxaa uu amar ku bixiyey in ciidan gaaraya 275 loo diro dalkaasi si ay u sugaan amniga safaaradda Mareykanka ee magaalada Baghdad.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka fiirsanaya fursado kale oo lagu caawinayo Ciraaq, oo ay ka mid tahay weeraro cirka ah oo ka dhan ak maliishiyada Sunniga.

Mareykanka waxaa kale oo uu ka fiirsanayaa inuu Iran kala shaqeeyo arinta Ciraaq. Laakiin wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtey inaaney qorshaha ugu jirin inay wax iskaashi milateri oo ku saabsan Ciraaq la sameeyaan Iran.
XS
SM
MD
LG