Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Cambaareeyay Weerarkii Kenya


Jen Psaki, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka
Jen Psaki, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka
Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku tacsi u dirayso dadkii ay eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi.

Waxa sidoo kale dawladda Maraykanku ay sheegtay inay caafimaad u rajaynayaan dadka ku dhaawacmay weerarka .

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan oo kale ah aanay ahayn wax la aqbali karo.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan iskaashiga ay la leeyihiin dawladda Kenya.

Waxaana war saaxaafadeedka lagu xusay in dawladda Maraykanku ay sii wadi doonto ada shaqaynta ay la leedahay Kenya, gaar ahaan dhinaca ammaanka dalkaasi iyo degmadaba. Waxaana warsaxaafadeedku uu xusay in Maraykanku uu Kenya kala shaqaynayo ammaanka si waafaqsan oo dhowarysa xuquuqda aadamaha .
XS
SM
MD
LG