Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab: Anagaa Fulinay Weerarkii Kenya


Ururka al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii xalay lagu qaaday degmada Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Weerarkaasi oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 48 qof.

Al-Shabaab waxay sheegeen inuu weerarka loogu aarguday siday hadalka u dhigeen culumadii lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Weerarkan ayaa dhacay xalay, waxaana lala beegsaday hotello, saldhigga booliska iyo goob ay dad ku daawanayeen ciyaaraha adduunka.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Maraykanka ayaa labaduba canbaareeyey weerakaasi.
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:29 0:00
XS
SM
MD
LG