Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Mar Kale Qabsatay Taleex


Ciidanka Somaliland ayaa maanta mar kale gudaha u galay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo, sidoo kalena uu uu shir uga socday taageerayaasha maamulkaasi.

Afhayeenka ciidanka Somaliland Col. Cismaan Cabdilaahi ayaa sheegay in ciidankoodu ay galeen Taleex si ay u nabadda deegaanka u sugaan, una joojiyaan shirar ay halkaasi ka wadeen siyaasiyiin iyo taageerayaasha maamulka Khaatumo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in gudaha Somaliland aysan u oggolaan doonin cid amni-xummo abuuraysa.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiin iyo madaxdii Khaatumo ay Taleex ka baxeen xalay kahor intaanay ciidanka Somaliland soo galin Taleex.

Maxamed Yuusuf Jaamac "Indho-Sheel" oo madaxweyne u ah maamulka Khaatumo ayaa beeniyay in ciidanka Somaliland ay qabsadeen Taleex, wuxuuna sheegay inuu sii socon doono shirarkii ay Taleex ka wateen.
XS
SM
MD
LG