Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Rwanda.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Congo ay subaxnimadii Arbacada rasaas fureen markii ciidamada Rwanda ay ka soo talaabeen xadka, isla markaana ay afduubteen askari ka tirsan ciidamada Congo.
Is-rasaaseynta ka dhacdey goob ku dhow degaanka Kibumba, ee gobolka Waqooyiga Kivu ee bariga waddanka ayaa socotey muddo afar saacadood ah. Ilaa iyo haatan lama hayo war ku saabsan cid ku waxyeelowdey dhacdadaasi.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Congo (MONUSCO) ayaa barta Twitter-ka ku sheegay inay falkaasi baarayaan.
Ciidamada Congo oo taageero ka helaya kuwa Qaramada Midoobay ayaa gobolka Waqooyiga Kivu sannadkii hore ku jebiyey falaagada kooxda M-23.
Rwanda ayaa beenisey eedeymo uga yimid Qaramada Midoobay oo sheegaya inay taageero u fidiso fallaagadaasi.