Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo Sheegatey Weerar ka Dhacay Pakistan


Kooxda Taliban, qeybta waddanka Pakistan ayaa sheegatey mas’uuliyadda weerarkii ay ku dhinteen 28 qof oo 10 ka mid ah ay ahaayeen koox dabley ah oo ka dhacay garoonka ugu mashquulsan dalka Pakistan.

Maliishiyaad aad u hubeysan ayaa si xeeladeysan uga soo galey qeybta garoonka Jinnah International Airport ee magaalada Karachi, taas oo sababtey in dagaal socdey shan saacadood uu halkaa ka dhaco kaas oo dhexmarey maliishiyaadkaasi iyo ciidamada dowladda.

Ragga dableyda ah oo qaarkood xirnaa dharka ciidamada ayaa xoog ku soo galey qeybta xamuulka iyo duulimaadyada muhiimka ee garoonka kadibna rasaas furey, ka hor intaaney boolisku raggaasi toogasho ku dilin, iyadoo qaarkood ay is qarxiyeen.

Qaar ka mid ah ciidamada amniga ayaa la diley iyo afar ka mid ah shaqaalaha garoonka. Ma jiraan wax rakaab ah oo halkaasi waxyeelo ay ka soo gaartey.
XS
SM
MD
LG