Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Ku Dhintay Xeebaha Yemen


Hay’adda UNHCR ayaa sheegtey in todobaadkan ay xeebaha Yemen ku dhinteen 62 qof ka dib markii ay degtey doonidii ay la socdeen.

Dadka saarnaa doonidan ayaa la sheegey in ay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Ethiopia, iyo laba shaqaale oo reer Yemen ah, waxaana ay doonidoodii ku degtey Badda Cas Sabtidii la soo dhaafey.

UNHCR waxa ay tacsi u dirty qoysaskii ay dadkani ka geeriyoodeen waxaana ay sheegtey in ay tani tahay tiradii ugu badneyd ee mar qura badda ku dhimata tan iyo Sanadkan. waxaana ay dhimashada guud ee sanadkan ka dhigeysaa 121 qof.

UNHCR waxa ay diiwaan galisey afartii bilood ee sanadkan ugu horeysey 16,000 oo qaxooti iyo socota ah kuwaasoo soo gaarey xeebaha Yemen, tiradan ayaa si weyn uga yar tii sanadkii hore oo aheyd 35,000 oo qof afartii bilood ee ugu horeysey.

UNHCR waxa ay masuuliyiiinta gobolka ugu baaqdey in ay sameeyaan hanaan samatabixin deg deg ah iyo waliba in diiwaan galin iyo aqoonsi qaxootinimo la siiyo dadka ka soo badbaada safarka ay dhanka bada ee ay soo galaan oo ah mid qatartiisa leh.
XS
SM
MD
LG