Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Raaligelin Kama Bixinayo Sii Deynta Bergdahl

U.S. President Barack Obama discussed details about the release of U.S. Sgt. Bowe Bergdahl, who had been held by the Taliban for five years, during a news conference after the G7 summit in Brussels, Belgium, June 5, 2014.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inaanu wax raali gelin ah ka bixin doonin go’aankii u qaatey ee lagu soo deynayey askari ay horey u qabsadeen kooxda Taliban oo magaciisa la yiraahdo Bowe Bergdahl, kaas oo lagu bedeshey shan hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Taliban, heshiiskaas oo horseedey in dhaleeceyn loo soo jeediyo Obama.

Mr. Obama ayaa weriyeyaasha u sheegay in maadaama uu yahay taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka waajib uu ka saarnaa inuu waddanka dib ugu soo celiyo Bergdahl.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu arkey fursad, isla markaana uu ka faaideystey, isagoo intaa raaciyey in Bergdahl xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneysey..

Ururka Taliban ayaa sii daayey Bergdahl toddobaadkii hore markii ay haysteen muddo shan sanno ah.
XS
SM
MD
LG