Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo la Kulmey Madaxda Reer Galbeedka


France Russia
France Russia
Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa kulankiisii ugu horeeyey ee fool ka fool ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalka reer galbeedka tan iyo markii ay bilaabatey xasaradda ka aloosan Ukraine, iyadoo madaxda dalalkaasi ay isugu yimaadeen Faransiiska si ay uga qeybgalaan dabbaaldegyada guushii dagaalkii labaad ee dunida oo beri dhacaya.

Mr. Putin waxaa uu Paris kulan kula yeeshey Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, saacado kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo hoggaamiyeyaasha ay bahwadaagta yihiin ee reer Galbeedka ay ku kulmeen Brussels iyadoo aaney Russia joogin, taas oo noqoneysa markii ugu horeysey muddo haatan laga joogo labaatan sanno.

Shirka G7, ayaa hoggaamiyeyaasha waxay u adeegsadeen inay ku cambaareeyaan Moscow taageerada ay siiso mucaaradka gooni u goosadka ee bariga Ukraine.

Madaxweyna Obama ayaa ugu baaqey xukuumadda Moscow inay toos wadahadal ula yeelato dowladda cusub ee Ukraine, isagoo ugu baaqey Madaxweyne Putin inuu joojiyo maliishiyaadka hubeysan ee Russia ka soo gudbaya ee soo galaya Ukraine.
XS
SM
MD
LG