Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Beeleed ka Dhacay Shabeellaha Hoose


Dagaallo ayaa kasoo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed dhowr jeer horey ugu dagaalantay gobolkaasi. Dagaalladan ayaa la sheegay in culayskooda uu ka dhacay inta u dhaxaysa Marka iyo Shalanbood, ugu yarana 4 qof ayaa ku dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa VOA u sheegay in dagaalkaasi uu iskii u qaboobay.

Dhinaca kalana, magaalada Muqdishu ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflad uu xilka ku wareejinayo wasiirkii hore ee amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed oo xilkaasi ku wareejiyey ku simaha jagadaasi, isla markaana ah wasiirka gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan xiisadda dagaal ee Gobolka Shabeellaha Hose.

Warbixinada ka dhageyso xagga hoose
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:42 0:00
XS
SM
MD
LG