Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boko Xaram oo Dilay Boqolaal Rayid ah


Niman hubeysan oo la aaminsan yahay inay yihiin kooxda Boko Xaram ayaa weerarro cusub ku dilay boqollaal dad oo shacab ah oo ku suganaa woqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in nimanka hubeysan ay weerar ku qaadeen ugu yaraan saddex xaafadood maalmihii Talaadada iyo Arbacada kuwaasoo ku yaalla degaanka Gwoza ee gobolka Borno, oo ah goob ay ku xooggan yihiin kooxda xag jirka ah.
Dadka bad-baaday ayay ku qaadatay laba maalmood inay weerarka u soo sheegaan caasimadda gobolka ee Maiduguri, iyadoo ay sababtuna ahayd adeegga telefoonka oo liitay iyo xaaladaha safarka oo khatar ahaa.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in fallaagada oo yimid iyagoo u labisan sidii askarta ay rasaas ooda kaga qaadeen dadka degaanka oo ay gubeen guryo iyo goobo ganacsi intii uu socday weerarka. Waxa ay sheegayaan in Boko Xaram ay hadda ka taageen calankooda dhowr degaan oo ku yaalla agagaarka oo ay lana wareegeen maamulkii gudaha.

Khamiistan ayaa sidoo kale niman hub sita oo looga shakiyay inay yihiin Boko Xaram ay weerar ku qaadeen Madagali, oo ah magaalo ku dhow gobolka Adamawa.
Wariyaha VOA ee afka Hawsaha oo ku sugan gobolka ayaa sheegaya in kuwa weerarka soo qaaday ay gubeen xafiiskii dowladda hoose iyo kaniisad. Madaxa golaha degaanka ayaa u sheegay VOA in dhowr ka tirsan shaqaalihii amaanka ay goobta isaga carareen.
XS
SM
MD
LG