Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Walaaca Qaramada Midoobay ee Somalia


Valerie Amos, Madaxa QM ee Arrimaha Bani'aadanimada ayaa baaq deg deg ah ku dalbatey 60 million oo Dollar sedexda bilood ee soo socota si wax looga qabto cuno yari ba'an, nafaqo darada iyo daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya.

Valerie Amos ayaa u sheegtey xubnaha Golaha amaanka shaley oo Arbaca aheyd in Somalia ay qatar ugu jirto cuno yari baahda iyadoo 50,000 oo caruur ay da,doodu ka hooseyso 5 sano jirka ay macluul u dhiman doonaan iyo nafaqo daro hadii aanan lacagta loo baahan yahay degd eg loo helin. waxa ay intaas raacisey in kaalmada beesha caalamka ay si weyn hoos ugu dhacdey.

Amos ayaa sidoo kale sheegtey in 850,000 oo qof oo Somalia ku nool ay u baahan yihiin naf badbaadin degd eg ah halka 2 Million oo kalena ay ku dhow yihiin in ay deg deg cuno ugu baahdaan.

Sargaalkan ka tirsan QM ayaa sheegtey guulaha amaanka iyo siyaasasada aysan wanaajin xaalada Somalia. waxa ay xustey in dadaalada bani,aadanimada ay si weyn u dhaawaceen howlgalada Milatraiga ee socda iyo xeelado cusub oo ay isticmaalayaan kooxda Al-shababa ee Xiriirka la leh Al-qaacida ooh or istaagey wadooyinkii ay sahaydu mari laheyd.
XS
SM
MD
LG