Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya:General Haftar oo Dil ka Badbaadey


General Khalifa Haftar oo ah sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Libya, haatanna noqdey dagaal ooge, ay aka badbaadey isku day di loo loogu geysan lahaa gurigiisa oo ku yaalla bariga magaalada Benghazi. Haftar ayaa degaankaasi ka wada dagaal ka dhan ah maliishiyaadka Islaamiyiinta.

Saraakiil milatari ayaa sheegay in nin isa soo miidaamiyey oo gaari walxaha qarxa ay ka buuxaan uu xoog ku soo jiirey iridda guriga Haftar.
Saddex askari ayaa ku dhaawacmey, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca uu soo gaarey ka mid ah Taliyaha Ciidamada Cirka ee Libya Saqi al-Jerushi.

Haftar waxba kama soo gaarin qaraxaasi. Ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarka.

General Haftar oo 71 jir ah, taliye sare oo military ka ahaa xukuumaddii Col Gadhafi, ayaa waxaa uu toddobaadyadii la soo dhaafey wadey olole ka dhan ah maliishiyaadka Islaamiyiinta, kuwaas oo uu sheegay in xukuumadda ku meel gaarka ah ee Libya ay ku guuldareysatey inay xakameyso.
XS
SM
MD
LG