Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Dowladda ka soo Horjeeda oo China Lagu Xirey


Armed Chinese police stand guard on Tiananmen Square in Beijing, June 3, 2014.
Armed Chinese police stand guard on Tiananmen Square in Beijing, June 3, 2014.
Shiinaha ayaa difaacey kuna tilmaamey mid sharci ah talaabadii lagu xirey dadka siyaasadda dowladda dhaleeceeya, iyadoo la isku diyaarinayo 25 guuradii ka soo wareegtey hawlgalkii lagu eryey dad banaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo ka dhigayey fagaaraha Tiananmen.

Dhowr qof ayaa la xirey amaba xabsi guri lagu soo rogey iyadoo maanta iyo beri la xusayo sannadguuradii ka soo wareegtey markii xoog loo lagu kala eryey banaanbaxyadii dimoqraadiyad doonka ahaa.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Hong Lei ayaa sheegay in xarigga dadka dowladda ka soo horjeeda uu waafaqsan yahay sharciga waddanka.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa dhaqan u ah in marka ay soo dhowaaadaan munaasabadaha muhiimka ah ay dowladdu xarig u geysato siyaasiyiinta ka soo horjeedda, laakiin hawlgalka sannadkan ayaa u muuqda mid aad u ba’an oo ka kheyrul caadi ah.

Habeennimadii Axadda waxaa ciidamada amniga ay xireen Guo Jian oo ah fanaan u dhashey China oo haysta dhalashada Autsralia.
XS
SM
MD
LG